Somali air force club

1960 – 1969

Sidaad badankiinu ka warqabtaan,  Ciidanka Cirka Soomaaliyeed waxaa la aas-aasay 15 Febaraayo 1960kii, walow taariikhdiisu  ay soo tixneed ilaa iyo 50meeyadi, waqtigii uu dalku ku jiray xukunkii Talyaaniga ee tobanki sano ee xornimo gaarsiinta, dhidibbadana waxaa u taagay ciidamadii Talyaanigu u qortay inay ilaaliyaan ammaankooda iyo soddomeeyo dhallinyaro ah oo sanadihii 1957-58 dalka Talyaniga lagu soo baray xirfadaha kala geddisan ee diyaaradaha iyo shan duuliye iyo siddeed diyaaraddood oo aan maalintii 30ka juuniyo 1960ki kala wareegnay Taliskii C.Cirka Talyaaniga. Ka dib markii calanki Talyaaniga iyo kii Ciidankaba la duubay,  lana siiyay salaan sharaf mileteri iyo barasaabki Talyaaniga md. Mario Di Stefano oo isla galabtaas diyaarad loogu qaaday dalka Keenya ayaa taliskii Ciidanka Cirka talyaaniga nagu wareejiyeen sideed dayaaradood.

3- Douglas C-47 Dakota, 2 -Beechcraft C-45 expeditor, 1- Piper,  1- North American AT6 “Harvard”, 1- Stinson L-5 Sentinel.

a

a

Saqdi dhexe ee habeenki 1-da luulyo ka dib goorti aan wax ka soo saarnay calankii midnimada Soomaaliya oo xor ah oo aysan labada dhinac ka kala xigin calamadii Qaraamada Midoobay iyo kii Talyaaniga, ayaan isla watigii waxaan bilaawnay inaan calanki Talyaaniga ka beddelno saddex diyaaraddood si aan subaxda 1-da Luuliyo uga qayb galno dabbaaldegga iyo damaashadki ka dhacaayay garoonka ciyaaraha ee “Stadio Conis”.

Subaxdaas loo dabbaaldegayay saxansaxada udugga badan ee xorriyadda kowda Luuliyo oo ahayd maalintii xurriyadda goballada koofureed iyo midoowgii labada gobal (koofur iyo woqooyi), waxay kaloo noqotay, maalintii ugu horraysay ee dadweynihii degganaa caasimadda ay indhahoodu ku raaxaystaan aragtida geesiyadi, ciidankii ku caanka baxay “Cali Boobaaye”oo aysan weli u dhammaan carbiskii iyo agab-baradkii mileteriga oo saaran gaadiidka ciidamada lagu qaado iyo kuwa madaafiicda goobta lagu jiido.

Magacyadi iyo sawiradii diyaaradahii aan kala wareegnay Taliskii C.Cirka Talyaaniga, kuwo kale eeTalyaanigu xornimadi ka dib siiyay Soomaalida iyo kuwo kale oo ay Soomaalidu ka heshay dalal saaxiib ah, waana kuwa hoos ku qoran.

a

a

a

  • Douglas C-47 Dakota, Beechcraft model 18, C-45 expeditor, Stinson L-5 Sentinel iyo North American AT6 “Harvard”  iyo Piper “kuwi aan lawareegnay”.
  • Waxaa kalo 1963di Talyaanigu, Soomaaliya siiyay afar diyaaradoodha oo kala ah: 2(labo) diyaaradood oo ah North Ameerican AT6 iyo 2(labo) diyaaradood oo ah P. 14
  • Halka dowladda Masaaridu, 1961di iyo 1963di Soomaaliya siisay 5 diyaaradood oo kala ah: 2(labo) diyaaradood oo Al-Jamhuuriya ah oo lagu sameeyay warshadaha Masaarida oo duuliyeyaasha lagu tababaro iyo 3(saddex) diyaaradood oo ah jeedka lagu dagaallamo ah “Vampire”.
  • Dhanka kale dowladda Maraykanku waxay 1963di Soomaaliya siisay 3(saddex) diyaaradood oo Helio Corrier ah oo tiiba qaado lix qofood.

Sanadkii 1963di, waa waqtigii  ciidamada Soomaalida dib u casriyeeynta lagu sameeyay, ka dib markii R/wasaarihi Soomaaliya md. Dr.Cabdirashiid Cali Sharma’arke, uu booqashada ku tegay magaalada Moska,  taasoo albaabada u furtay heshiis mileteri ee  dhexmara Soomaaliya iyo Midowgi Soviyeetiga, ka dibna waxaa booqasho deg deg ah u aaday dalkaas Taliyihii Ciidamada X.D.S. S/Guuto Daa’uud Cabdulle Xersi si uu usoo dhammaystiro heshiskaas iyo inuu  geeyo qorshaha  qaybaha CQS ee loo tababarayo Soomaaliya iyo noocyada  hubka culus ee ciidamadu  u baahan yihiin.

Maxaa sababay dagaalkii 1964ti dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ?

  • Shirkii midowga Afrika lagu unkay 25/05/63 oo go’aamiyay in xuduudaha Afrika loo daayo sidii gumaaysigu u qaybiyeen oo madaxweyne Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa aas-aaseyaashi ururkaas uu diiday inuu wax ka saxiixo go’aankaas, arrintaasi waxay sii cordhisay cadaawadi soo jireenka ahaayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobya. 
  • Soomaalida oo 1963di xiriir mileteri la yeelatay dalalkii Midowgi Soofiyeetiga oo loo ballan qaaday in loo carbiyo loona hubeeyo ciidamo wadartoodu gaarayso 20.000. 
  • Saraakiishi sarsare ee ciidamada  hoggaamin lahayd haddii uu dagaal dhaco iyo ciidamo badan oo  waqtigaas tababar u jiray dalalkii Midowgi Soofiyeetiga si ay hubkaas muddo gaaban ugu soo bartaan.
  • Itoobiya oo rumaysneed in Soomaalidu soo hubeeyso Jabhadda Xoreeynta Soomaali Galbeed oo jidgooyada ku haysa waddooyinka taakuleeyta ciidamada Ethiopia iyo weerarada gaadmada ah ee ay ku qaadaan saldaldhigyadooda, oo ay Itoobiyaanku u arkeen in mustaqbalka jabhaddu noqon karto mid leh cudud aan  la iska caabbin karin.

Haddaba, Dowlada Itoobiya iyadoo Afartaas sababood ka shidaal qaadanaysa oo u aragtay inay tahay fursad qaali ah oo aan si sahal ah usoo maridoonin, ayeey go’aansatay  inay Soomaaliya weerar kedis ah ku qaado intuusan gacanta usoo gelin hubka loo ballan qaaday, waana tii ay bilihii Jennaayo-Abriile 1964tii dhexdooda ku soo qaaday dagaal saameeyay dhammaan xudduud beenaadka naga  dhexeeya.

Dagaalkaas hadafkiisu wuxuu ahaa inay  Itoobiya ciribgoyso Soomaalida inatay  curdanka iyo cududda yarnahay, taasna Alle  uma idmiin oo waxaa si geesinnimo iyo karti leh jilibka u aastay Soomaaliyoo dhan, miyi iyo magaalo oo niyadoodi iyo cududdoodi midaysanayd, waxaase yaab iyo mucjiso qarni oo aysan qorsheeysan Ethiopia ku noqotay intaan laba gaarinba ciidamadeenni yaraa ee rijliga ahaa,  inay niyadjab, ba’ iyo bayuur ku rideen jabhaddii iyo geel-jireyaasheenni geesiga ahaay ee ku teedsanaay xuddudkeenna dheer, kuwi xuddudkeena soo galayna ka baxshay, goob iyo  geed kasta, godintay u  afaysteenna uga furtay qoryihii ay ku dagaallamayeen, kana dhigay mid la  dilay, mid la dhaawacay,  mid cagaha wax ka dayey, mid ambaday, mid abeed yiri iyo mid  aqo ugu baqtiyay godkuu ku dhuumanayey, halkaasana waxaa ku fashilmay arrintay Itoobiya waayaha fog ku taami jirtay ee ahayd inay Soomaaliya maalin afka ciidda u geliso, heshiiskeenuna wuxuu ku imaan karaa oo keliya inay dhulkeenna maalin cad isaga baxdo iyo inay cadaawadeenna iyo colaadeennu socoto  inta laga gaarayo waagay shimbiruhu dabaashaan mallayguna duulo.

Dagaalkaas siduu  Ciidanka Cirka uga  qeyb-qaatay

Bacdamaa, dagaalkaasi ahayn mid Soomaalidu wax  ku hujuumaysay oo ay difaac ku jirtay, C.Cika waxaa waajib lagu siiyay, xagga taakulaynta iyo isku xirka ciidamada, qaadista saadka iyo saanadda, daadgurayta ciidamada iyo keenidda dhaawaca, sahanka iyo kor ka ilaalinta ciidamada faltamaaya iyo guud ahaan ka difaacidda diyaaradaha cadawga, diyaaradaheenni hawlgalkaas lagama maarmaanka ah ka  fulinaayey goballada dagaalladu saameeyay.

Waxaana xusid mudan in dagaalkaas uu C.Cirka uga dhintay duuliye Daahir Kullane Abtidoon isagoo waajibkiisa qaran gudanaya. Maalintay taarikhdu ahayd 15/2/64ti oo uu socday dagaalkaasi, duuliye Daahir kullane iyo duuliye Xuseen Rooble Cabdi “Fareey” oo kala watay labo diyaaradood oo AT6 ah waajibkooduna ahaa inay ka difaacaan diyaaaradaha cadawga diyaarad Dakota ah oo Gaalkacyo kasoo qaadaysay dad rayid ah oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen duqaynti diyaaradihii Itoobiyaanka ee maalin ka hor garaacay magaalada Gaalkacyo. Aroorti maalintaas, goortay saacaddu ahaayd 05:10, saddexda diyaaradood waxay ka duuleen gegida diyaaradaha ee Muqdisho, hase teeshee, tii uu watey duuliye Daahir Kullane intaysan joog sare qaadan ayaa matoorki ka damay, taasina waxay sababtay in diyaaraddii kula dhacdo degmada Hodan ee magaalada Muqdisho isagoon cid kale wax u geeysan.

1969 – 1978

21 okt.1969, waa waagi ay talada dalka afgambi mileteri oo aan dhiig ku daadan kula wareegeen ciidamadii qalabka siday ee uu hoggaaminaayey S/Gaas Max/ed Siyaad Barre, kadib markii toogasho lagu dilay 15/10/69 madaxweynihii dalka Dr. Abdirashiid Cali Sharma’arke.
Waagaaas oo ahaa xilligii uu socday dagaalki qaboobaa ee u dhexeeyay gaashaanbuurti NATO iyo WARSOW, oo Soomaaliya aysan maslaxad ugu jirin inay kaligeed bannaanka ka joogto loollanka labada quwadood, oo xukuumaddii mileteriga ku dhalisay inay qaadato nidaamkii hantiwadagga si ay mid ugu dhawaato, lana yeelato xiriir dhan walba ah dalalkii hantiwadaagga iyo kuwii shuuciga gaar ahaan Midowgi Soofiyeetiga “U.R.S.S.”

Xiriirkaasi waxuu sii xoojiyay kii ay  Soomaalidu horay ula gashay  Midowgii Soofiyeetiga sannadkii 1963di iyo kuwi ay dowladdii miltarigu la gashay sanadihii u dhexeeyay 1972dii iyo kuwi ka dambeeyay oo qarkood  ku soo beegmay waqtigii ay Soomaaliya booqashooyinka ku kala yimideen wasiirkii gaashaandhigga Marshal Sergey Grejko iyo madaxweynihii  Midowgi Soofyeetiga N. I. Podgorny, oo dhammaan   heshiisyadaasi waddada u fureen in dalkoo dhan laga hormariyo dhinacyada adeegga bulshada, gaar ahaan ciidamadii qalabka siday  inay helaan tababaro baaxad weyn oo  u horseeday inay  ka kobcaan dhan walba, kuna tallaabsadaan horumar deg deg ah oo sababtay in ciidamada Soomaaliya laga tilmaamo dalalka Afrikada madow, bacdamaa, waagaa ay ku qalabaysnaayeen hub ay Soomaalidu tageero mileteri uga heshay dalka Ruushka oo isugu jiray diyaarado, maraakiibta dagaalka, doonyaha hubaysan ee xeebaha lagu ilaaliyo, tangiyo,  gawaarrida gaashaaman, madaafiicda goobta iyo kuwa lidka diyaaradaha, raadarada ciidamada difaaca cirkaiyo dhowr nooc oo sawaariikh ah.
Daawo awoodi Ciidanka Somaliyeed

Dagaalkii  77 iyo siduu Ciidanka Cirku uga qayb-qaatay

Dagaalki lagu xoraynaayey Soomaali Galbeed ”Ogaadeenya” wuxuu ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee  faraha looga gubto oo ay ku hardamaan laba dal ee Africana ah, oo noqday kii  ugu horreeyay ee laysu adeegsado diyaaradaha dagaalka ee codkooda ka dheereeya sida:  Mig-21MF iyo F-5As, F-5E iyo boqolaal tangiyo iyo gawaarida gaashaaman oo labada dal ay ka kala heleen  gaashaanbuurtii NATO iyo WARSOW.

Dagaalkaas Ciidanka Cirka Soomaliyeed waxay ugu qeybgaleen niyad bir ah iyo hagar la’aan, waxyna ku dagaalgaleen diyaaradaha “supersonic” ee codkooda ka dheereeya sida, Mig-21 iyo kuwa “subsonic” ee codkooda ka gaabiya sida, Mig-17 iyo diyaaradaha xambaara bambooyinka IL. 28.

a

 

Waxaa kaloo ciidanku ku hawlgalay diyaaradaha gaadiidka ee AN-24 iyo AN-26 ee lagu qaado xamuulka isugu jira, saadka, saanadda, daawada, dhaawaca iyo ciidamada lagu xoojinayo qaybaha  dagaalku ka socdo. Sidoo kale ciidanku wuxuu  ku hawlgalay diyaaradaha qumaatiga ukaca ee  MI-8  ee lagu qaado madaxda kormeeraysa qaybaha dagaalku ka socdo iyo dhaawacaba.  

Saraakishii diyaaradahaas ku dagaallantay, waxey badankoodu tababarkoodi ku soo dhameysteen dalalki M. Soofiyetiga, sanadihii  u dhaxeeyey 1965-1974, waxeyna  dagaalkaas  uga qayb qaateen si karti iyo mintidnimo ku dhan tahay, iyagoo waajibki la siiyay ku soo burburiyay ubucda fog ee cadawga iyo goobahii istraatijiga ee loo cayimay sida halbowlayaasha isgaarsiinta dhulka, saldhigyadi ciidamada cadawga iyo dhufaysyadi istaraateejiga ahaa ee ku yiil Dhagaxbuur, banka Jilacsaney, Jig-Jiga, Garabcase, Baabile,  buuraaleyda Kaaramardha, Harar, gegida diyaaradaha ee Dirir-Dhabe iyo weliba iyagoo ugaarsan jiray intaysan la cid gelin ama aysan is-uruursan tangiyada, gawaarida gaashaaman iyo gaadiidka culus ee wada ciidamada habqanka ah ee ka firdhaday goobaha kor ku xusan.

Sidoo kale, waxay soo rideen cuntubyo diyaarado ah oo duuliyeyaal iyo saraakiil kale  ay ku muteysteen billado isugu jiray qalin iyo maar, halka Ciidanka Cirka  lagu abaalmariyay billad dahab ah, walow ciidanku ku dagaallamay diyaarado aan badankooda loogu talagelin inay u weerar tagaan masaafo sidaas u fog oo aan lahayn gegi  diyaaradeed oo ay si kedis ah ugu degtaan, lacalla haddii cilladi ku timaado ama ay shidaal iyo saanad ka qaadataan si ay deg deg ugu laabataan goobaha dagaalka, kana difaacaan weerarka cirka ciidamadenna dhulka ee hujuumka joogtada ah ku jira iyo si aysan  diyaaradaha cadawgu u helin fursad iyo waqti firaaqo ah oo ay  ciidamadeenna ku garaacaan. 

Markay halyeeyadi ciidamadeenni qalabka siday oo carcartoodi qaba ay  cardaadiqaha ka dhigeen,  cagtana mariyeen xaayndaabyadii dhufaysyada adkaa ee ciidamada cadowga u ahaa gabbaad iyo difaac adag iyo jiid aan   lasoo haweysan karin, ayaa hoggamiyiihii Dergugu Col. Mangistu, isagoo weli la dawaqsan dharbaaxyadi ciidamadiisa lagu dhuftay iyo dhulka baaxadda weyn ee  waqtiga gaaban looga qabsaday, ayuu u qaylodhaan tegay xukuumadihii Ruushka iyo Kuuba oo waqtigaas il gaara ku hayey socodka iyo guulaha isdabajoogga ah ee ciidamada Soomaalidu ka gaareen goobaha dagaalka.

Sababahaas dartoodna, bilihii Okt iyo Noofeember 1977, waxay hoggaamiyeyaashi xulafadaasi ku kulmeen shir saddex geesood ah oo lagu qabtay magaalooyinka Addis-Abbeba, Moska iyo Havana, waxaana kulamadaas ka dhashey xiriir dibolomaasi iyo mid militari oo lagu go’aamiyey in ciidamada Soomaalida laga saaro dhulka ay Ethiopia ka qabsadeen.

Dowladda  Mareeykanka oo ka walwalsan isxulufeysiga dalalkaas iyo faragalinta Ruushku  ka wado Geeska Africa, ku soo  dhowaashada gacanka Carabeed iyo dagaalaka rogaalceliska ah ee Soofiyetigu ku garab taagan yahay ciidamada isbaheeysiga Itoobiya iyo Kuuba ee weerarka ku ah gudaha Soomaaliya, arrimahaas isbiirsaday darteed waxay abuureen tuhun iyo ismaandhaaf soo kala dhexgalay labada quwadodood.

Isla waqtigi uu jiray tuhunka faragalinta Soofiyetigu ka waday geeska Afrika oo loo arkaayey dhulbalaarsi istaraateeji uu ku doonayey inuu raad ku yeesho Badda Cas, si uu u maamulo dhaqdhaqaaqa maraakiibta dagaalka iyo kuwa shidaalka u sida Yurub iyo Ameerika ee isaga gudba Baddacas iyo Waqooyi Galbeed ee Badweynta Hindiya.

Haddaba si loo maareeyo ismaandhaafka iyo qilaafka Istaraatiji ee ka imaan karta haddii Soofiyeetigu xakameeyo marinka badahaas ay keeni karto dagaal ay isaga horyimaadaan labada quwadood Nato iyo Warsow oo dunida u horseedi kara inuu ka qarxo daagaalki saddexaad. Sidaas darteed madaxweynihii Mareeykanka Jimmy Carter iyo lataliyihiisii xagga amniga Zbigniew Brezezinki, waxay istuseen in heshiiskii SALT  (Strategic Arms Limitation Treaty) go’aamadii lagu gaarey meelmarintooda ay caqabad ku tahay, waxa Soofiyeetigu  ka wado Geeska Africa oo dowladda Mareeykanku u aragto, haddii Soofiyeetiga tixgelin waayo go’aamadii heshiiskaas, kana waantoobi waayo faragalinta uu ku hayo Geeska Afrika iyo gacanka carbeed ay keeni karto burbur iyo hakad  ku yimaada heshiisyadii hore iyo kuwa cusub oo looga wada hadli lahaa Badweynta Hindiya “Naval Arms Limitation Talks” (NALT).

Bishii January 1978, Ruushku waxuu soo jeediyay in labada quwadood “US-URSS” ay kala dhexgalaan labada dal, Soomaaliya iyo Itoobiya,  islamarkaana Khiilaafka istraateejigaa ee  labadooda u dhexeeyana lagu xalliyo heer diblomaasi ah.

Gebaggebadii, markay labadi quwadood  xalliyeen qilaafkoodi, waxay isku meel ugu soo wada jeesteen qaabkii loo maareeyn lahaa  dagaalka ka socda Geeska Africa, iyagoo guddonsaday in ciidamada Soomaaliya si dhaqso leh looga saaro dhulka ay ka qabsadeen Itoobiya ilaa iyo 31da bisha Maarso 1978da, halka kuuba iyo Itoobiyana lagu amray inaysan ku xadgudbin xudduudka iyo madaxbannanida Soomaliya, islamarkaana ilaaliyaan  sharciyada iyo xeerarka u degsan xudduudaha OAU-da.

Marki ciidamadii Ruushka iyo xulafadiisi ay ciidamadeenna gadaal ka mareen  oo taliyeyaashi ciidamadaasi ku wargeliyeen dalalkoodi inay  dhammaan go’doomiyeen ciidamadi Soomaalida, oo wasiirki gaashaandhigga Soomaaliya  md. Sarreeye Guud Max’ed Cali Samatar uga soo saaray ciidamadeenni saddex jaho, isagoo adeegsaday tab iyo xiilad mileteri  oo ka yaabisay jananadi xulafadaas oo habeenkaas ku seexatay guul dhalanted ah, aroortina ku baraarugay khiddadda saddex saabilka ah ee loo adeegsaday intay kaartada dagaalka siigada iyo habaaska ka jafayeen, taasina waxay u noqotay cashar lama illowaan ah oo ku reebay waji gabax iyo dhafoora qabsi.

Magacyada iyo sawirada diyaaradihii  C.Cirku ay ka helay Midowgii Soviyeetiga mudooyinkii u dhaxeeyey 1965 – 1974

Mig 15, Mig 17, Mig 21, IL-28, AN-24, AN-2, AN-26, MI-4, MI-8

a

a

a

1978 – 1990

Kadib markii uu dhamaaday Dagaalkii lagu xoreynaayey Soomaali Galbeed, xukuumadii militeriguna ay ka goosatay xiriirkii diblomaasiga ee ka dhaxeeyey dalalkii middowga sovieti, iyaguna ay ka goosteey kaalmadii milatariga, dalkana ay kusoo celsheen ardaydii dalalkooda wax ku baraneysay, ayaa waxey sababtay in sanadkii 1978 Soomaalidu xiriir iskaashi oo deg deg ah la yeelato dalalka Mareykanka, Talyaaniga, Shiinaha, Imaaraatka Carabta iyo Liibiya.

Xirirkaasi cusubi wuxuu  noqday mid miro dhal ah oo sababay in ciidamadii qalabka siday gaar ahaan kuwii Ciidamada Cirku helaan tababaro buuxiyay muggi baahidii ciidanka iyo diyaarado hor leh oo isugu jiray kuwa dagaalka,  gaadiidka, tababarka iyo sahanka iyo kuwa qumaatiga u kaca “Helicopters”.

Magacyada iyo sawirada diyaaradihii C.Cirku ay heleen sanadihii u dhaxeeyey 1978 – 1990

SF 260, G 222, , P.166s, Mig 19, AB 212,, Hawker hunter, BN.2 iyo An. 26

a

a

A

 

1990 – 1991

Burburki xukuumaddii militeriga ka dib, dalka waxaa soo food saaray loollan siyaasadeed oo keenay dagaallo sokeeye iyo qaran jab oo aan cidna  guul iyo sumcad  usoo hooyn, balse, ummadda Soomaaliyeed u horseeday masiibo baaxad weyn,   baabi’iyayna sumcaddii, sharaftii iyo haybaddii qaranka, burburiyayna haykal kasta ee dowladeed iyo raad kasta taariikhdii dalkoo dhan khaasatan tii ciidamada qalabka siday.

Burburkaas baaxadda weyn Ciidamada Cirku waxay ku waayeen hannaankii mileteri ee midaysnaay, qalabkii dagaalka ee ummadda Soomaaliyeed ugu fadhiyay balaayinta doolar, agabki, dhismayaashi iyo kaydki taariikhda ee muddada nus qarniga ka badan soo tixnayd, kana dhigay gelgelin bannaan iyo birqanax hangarradi qaadiimka iyo qaaliga badnaay oo berisamaadki diyaaradaha lagu xerayn jiray iyo dhismayaashi bilicdooda lagu indha darandari jiray ee ku yiil xeradii Afiyasiyoone ee la dhisay sanadkii 1929kii lana cusbooneysiiyay sanadihii 1943dii Ingriiska, 1950kii Talyaaniga, 1962 iyo 1975 Soomaalida, iyo 1994tii UNISOM.

Sawiradi Burburkii dhismeyashi ciidanka

a

a

Waqtiga 17ka sano ku dhow ee dalku ku jiray murugada iyo jahawareerka,  ciidamadeenni qalabka siday ma ahayn kuwo burburay ama baaba’ay ee waxay ahaayeen kuwo iyagoo wata aqoontoodii, khibraddoodii iyo kartidoodii u dhalman sidi dhuxl dab ah oo sugaysay bulsho walaalo ah oo damiirkoodu saafi yahay  oo leh dowlad isku darsatay karti iyo waddaninnimo iyo hoggaamiye caadil ah oo eed iyo eel bixiya dhibaatooyinkii dalka ka dhacday, oo agoonta madaxa u salaaxa ilmadana ka tira, kana feejigan inaan dib loogu dhaqmin sababihii dhaliyay burburkii qaranka, dhuxushaas dabka ahna ka soo saara bambaska si deg deg ahna u huriya si ay u higsato ciidamada dalalka Afrika oo dal ahaan ciidamadeenni qalabka siday ka mid ahaayeen dhowrka dal ee ugu cududda weyn.

Sawiradi Burburkii diyaaradaha ciidanka.

a

a

a

Fiiro Gaar ah, taarikhdii ciidanka wali waxaa ku socda dhismo, mardhow ayaan dhameystiri doonaa Isha Allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *