Somali football » layaabka addunka kooxda ac milan 4-3 kala kulantay dhigeeda sassuolo yaase afarta gool dhaliyey?wax ka ogaaw

Layaabka Addunka Kooxda Ac Milan 4-3 Kala Kulantay Dhigeeda Sassuolo Yaase Afarta Gool Dhaliyey?Wax Ka Ogaaw

Jan 13, 2014 –

Naadiga AC Milan xalay waxay guul daro xanuun badan 4-3 kala kulantay dhigeeda Sassuolo inkastoo kulankan inta uusan bilaabanin siweyn loo hadal haayay safashada Keisuke Honda oo Milan kusoo biiray dhawaan sidoo kalena 70-joornaaliste oo u dhalatay dalka Japan ay cayaartan u daawasho tageen hadana hadal heynta iyo hal ku dhiga kulankan waxaa xaday wiil 19-jir ah oo lagu magacaabo Domenico Berardi, xidigan dhalinta yar oo ay milkiyadiisa leedahay naadiga Juventus ayaa dhamaan 4-gool u dhaliyay kooxda Sassuolo waxaana kulankan lagu tilmaamay mid taariikhda Serie A-da galay. Hadaba labo  waxyaabood ayuu Domenico Berardi kusoo kordhiyay Serie A-da kadib markii uu 4-gool kooxda Milan ka dhaliyay:

Mida kowaad ayaa ah inuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay taariikh ahaan horyaalka heerka 1-aad ee dalka Talyaaniga kaasi oo Milan 4-gool ka dhaliyo hal kulan. Mida labaad wuxuu noqday cayaaryahanka labaad ee ugu dhalinta yar tariikhda Serie A-da ee hal kulan 4-gool dhaliyo wuxuuna bar bareeyay rikoor uu dhigay Silvio Piola sanadii 1931 kaasi oo 4-gool dhaliyay asigoo 20-sano ka yar.

Domenico Berardi naadiga Cosenza ayuu kusoo baxay balse kooxda Sasuolo ayuu ka helay fursad wanaagsan waxaana sanadkii hore qaab cayaareedkiisa wanaagsan isla arkeen qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan sida Man United, Man City iyo Liverpol balse kooxda Juventus ayaa bilawgii xili cayaareedkan gacanta kusoo dhigtay madaama ay Sassauolo ogolaatay in milkiyadiisa ay Juve la yeelato, madaama Berardi uu aad u dhalin yar yahay Juve waxay u ogolaatay inuu Sassuolo baaqi kusii ahaado si uu hormar wanaagsan  sameeyo.

Xili cayaareedkan dadaal dheeraad ah ayuu sameeyay 19-jirk madaama uu dhaliyay 11-gool asigoo kooxdiisa u saftay 14-kulan oo qura sidaa darteed Berardii asigoo aad u dhalin yar ayuu muujiyay inuu yahay xidig aad u wanaagsan weliba habeenkii xalay ahayd magaciisa waxaa hubaal ah inuu meel sare gaaray hada kadibna kooxaha Serie A-da oo idil ay iska ilaalin doonaan marba hadii Milan oo naadi weyn ah uu 4-gool ka dhaliyay.

Waxaa Akhrisatay :159

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *