Since 1960 – Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Macdanta ee Somaliland oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

Hargeysa (SN)- Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Macdanta iyo Biyaha  Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim , ayaa dalka dib ugu soo laabtay , ka dib markii ay soo dhamaysteen Socdaal hawleed  oo ay ugu maqnaayeen dalka Itoobiya .

Wasiirka Arrimaha dibadda Md. C/llaahi Maxamed Ducaale oo warbaahinta ugu waramay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International ayaa sheegay in ujeedada safarkiisu ahayd sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal Somaliland iyo Ethiopia isaga oo xusay in mudadii uu ku sugnaa dalkaasi uu la kulmay dhigiisa Sayun Masfin, kulankaas oo sida uu sheegay wasiirku ay iskula soo qaadeen labada dhinac sii xoojinta arrimaha dublamaasiyada dibada ee Somaliland iyo sidii dhidibada loogu sii adkayn lahaa xidhiidha saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.

Md. C/laahi Maxamed Ducaale waxa kale oo uu sheegay in intii uu joogay Magaalada Addis-ababa uu kulano la yeeshay Dublamaasiiyiin shisheeye ah oo ku sugan dalkaas iyo dad kala duwan oo madax ka ah Mac’hadyo dawliya iyo Hay’addo kala duwan kuwaas oo dhamaantood iyaga iyo Madaxda dalkaas ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen dhamaana guul ay ugu soo dhamaadeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. C/laahi Maxamed Ducaale ayaa nasiib daro ku tilmaamay warbixintii dhawaan loo gudbiyay golaha amaanka ee Qaramada midoobay oo gabi ahaanba laga reebay Somaliland taas oo uu sheegay inay tahay wax laga yaabo, waxana wanaagsanayd buu yidhi in wixii jira ee Somaliland tahay uun ay sheegan, sidoo kale waxa uu dedaafeeyay jawaabta ergada qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somaliya qaabilsani ay ka bixiyeen markii la waydiiyay sababta ay Somaliland ugu soo qaadi waayeen, taas oo ay ku andacoodeen in mudaharaadyo ka jireen Somaliland oo aanay iman karayn, hadalkaas oo uu C/laahi Maxamed Ducaale ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah. Laakiin waxa uu Wasiirku xusay in wakiilka Xoghayaha guud u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya uu si fiican uga jawaabay su’aalihii laga waydiiyay xaaladda dalka taas oo uu sheegay in Somaliland ka duwan tahay Somaliya inteeda kale.

Wasiirku waxa uu warkiisa ku sheegay in Madaxweyne Rayaale u diray Xoghayaha guud ee qaramada midoobay waraaq cabasho ah oo uu ku dhaliilayo warbixinta wakiilka qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somaliya siiyay golaha amaanka, ugu danbayntii waxa uu Wasiirku ka dhawaajiyay in ay dalka ku casuumayaan Wakiilka Xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya, isla markaana ka dalbanayaan inuu ugu yaraan sadex cisho dalka ku sugnaado si uu uga buuxsado xaqaa’iqa dhabta ah ee Somaliland ka jira.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahin ayaa isna u sheegay warbaahinta dawladu maamusho markii uu ka soo dagay Madaarka u sheegay in sababta uu dalka Ethiopia ugu kicitimay la xidhiidhay sidii iskaashi laba dhinac ah ay ula samayn lahaayeen Wasaaradda dhigooda ah ee dalkaas taas oo sida uu xusay ay wax badan oo labada dal dan u ah isla soo qaadeen, sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrinta labaad ee ugu muhiimsanayd socdaalkiisu ay ahayd, sidii uu ugu googol xaadhi lahaa socdaal dhawaan wafdi uu hogaaminayaa ku tagi doonaan dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir balaadhan oo lagu gorfaynayo arrimaha shidaalka, shirkaas oo uu tilmaamay in sanadihii u danbeeyay Somaliland ka qayb gashay gaar ahaana sadex jeer oo lagu kala qabtay dallal kala duwan, waxa uu xusay in casuumada ka qayb galka shirkaas ay ka shaqaysay shirkad Iskaashi balaadhan ay leeyihiin Wasaaraddiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *