Xisbiga udub oo sheegay inay dhex dhexaadinayaan garabada xisbiga ucid

Hargeysa(sic)-Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa u tafo xaytay siday u dhex dhexaadin lahaayeen kala jabka ku yimid xisbiga dhigooda ah ee UCID ,sidaasi waxa lagu sheegay shir ay galabta ku yeesheen madaxda sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB guriga ku simaha gudoomiyaha xisbigaasi Axmed Yuusuf Yaasin .

Waxaanay shirkaasi kasoo saareen qoraal ,waxaanu u dhignaa sidan:-

:- “Shir ay galabta isugu yimaadeen madaxda sare ee Xisbiga UDUB kuna
qabsoomay guriga Kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga, halkaas oo Qodobo dhawr ah lagu falan-qeeyey lagana soo saari doono War Murtiyeed ku saabsan, Kulankaas ayaa waxa ka mid ahaa arrimaha lagu falanqeeyey Qodob aan hordhac ku sii faafinayo oo ku saabsanaa khilaafka soo dhex galay masuuliyiinta Xisbiga UCID taas oo markii la rog-rogay Xisbiga UDUB u arkay inaanu faraha ka laaban karin muranka iyo khilaafka Xisbiga UCID soo dhexgalay.
Sidaas darteed, ayaa Ku simaha Guddoomiyaha xisbiga UDUB ahna Guddoomiye Ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu magacaabay Guddi ergo Nabadeed ah oo u gurmata sidii ay waanwaan nabadeed uga geli lahaayeen khilaafka masuuliyiinta Xisbiga UCID. Guddigaas oo ka kooban 5 Xubnood oo kala ah
Guddigu waxay Kulamada Madaxda xisbiga UCID bilaabi doontaa isla Berri.
Xisbiga UDUB wuxuu si wayn uga damqanayaa khilaafka Xisbiga UCID oo uu u arko talaabo lagu xagal daacinayo geedi socodka Dimoqraadiyadda ka hana qaaday Dalka Somaliland oo Xisbiga UCID kaga jirey kaalin aad u muhiim ah door laxaad lehna ku lahaa taabo gelintii nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.
Magacyaddan Xubnaha Xisbiga UDUB u saaray Khilaafka UCID.
Cabdi Haybe Maxamed
Axmed-Yassin Sh. Cali Ayaanle
Cali Maxamed Warancadde
Maxamud Siciid Maxamed
Maxamed Cabdi Daa’uud.”

 Maxamed Axmed Yuusuf

Sic_Hargeysa

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *