Untitled document

TV SOMALILAND EUROPE Tv Somaliland Europe Producer (Mr Ali Ibrahim Mohamed )

 

 

 

TNG KOOXDA CABDIQAASIM AYAA UGU
BAAQEY IN LAGA QEYB GALIYO QEYBSIGA 360 MUDANE BEESHA DIR EE GOBALADA WAQOOYI
ELDORET.

15/2/003…SABTI…ELDORET waxaa maanta soo ban dhigey qoraal
ay ku qexayaan kooxda cabdiqasim ee ku sugan eldoret ee ka socda tng cabdiqasin
ayaa u gudbiyey qoraal ay ku saxeexeen in beesha Dir ee gobolada waqooyi ,ee
dibada taagneed ilaa intuu shirku bilaabmey loo ogolaado in ay ka qeyb galaan
qeybsiga 360 mudane ee hada bilaabmey iyagoo qoraalkaa gaadhsiiyey madaxa gudiga
farsamada ee (kabla gaat).

Arintan ay xubnaha ka socda dowlada cabdiqasim ay dooda ay
u wadaan beesha waqooyi ee ay ugu yeedhey (dirta waqooyi)tan iyo mudii uu socdey
shirka dib u heshiisiinta ee gobalda koonfureed ee somalia magaalada eldoret
ay ahayd in laga qeyb galiyo beelaha waqooyi , iyadoo uu isla maanta ka jawaabey
arintaa ay u soo gudbiyeen madaxa shirka ee kibla gaat kuna cadeeyey in maanta
goobta lagu hayn waxa ay ugu yeedheen beesha dir ee gobolada waqooyi aan maanta
wax khuseeya lagu hayn shirka se hadiiiba looba baahdo ,in la ‘la xidhiidhi
doono madaxda somaliland, hadalkan oo uu ka jeediyey shir saxaafadeed uu ugu
gud binaayey hadalkii ka soo yeedhey kooxaha ka socda cabdiqasim oo uu noqdey
mid dhabar jab ku noqdey .

Tan iyo 15/10/002 ee uu furmey shirka dib u heshiisiinta gobolada
koonfureed ee somalia ee eldoret waxaa hoolka shirka hortaagnaa ilaamaa iyi
maalintii rag uu soo direy cabdiqasim oo lagu soo xuley in ay leeyihiin haygalka
salaadiinta iyo cuqaasha somaliland si ay magacaa ugaga qeyb qaataan qeybsiga
dib u heshiisiinta shirka eldoret , nimankaa uu u qoondeeyey isla markiiba madaxii
hore ee shirka ee alija mawagaali ayaa ahaa ninkii u diidey in ay soo fadhiistaan
shirka iyagoo sita magaca salaadiinta somaliland waxaaney mudadii sadexada bilood
ahayd ay ku dhameysteen hortaagni ay hor tubnaayeen hoolka shirku ka socdey
kooxaha ka socada cabdiqasimna waxa ay iyaga laftooduna u xay’d naayeen sidii
ay bal uun ugu soo dari lahaayeen shirka nimanka shirka hor taagan .

Waxaa isla maanta goobihii ay daganaayeen qab qablayaashu loogu
geeyey basas si loogu soo qaado tirada loo go aamiyey ee dhameyd 360 mudane
oo la soo xuley gacantana ay ku hayeen gudiga far samadu , dhowr qab qab layaasha
ka mida ah ayaa se arintaa ka biyo diidey oo sheegey in aaney u cuntamin qeybsiga
sid aloo heley kuraasta 360 mudane waxaana ka mida shaati guduud oo la siiyey
26 kursi ayaa waxaa isna saluugey ninka ay guluf colaadi dhex martey ee sheik
aadan madoobe oo isna heley 22 kursi shegeyna in aaney u cuntamin ,waxaa iyana
xaalada kuraasta ka dey riyey dooxada juba oo iyna sheegtey in aan xaq looqeybin
oo la siiyey ku raas dheeraad ah ururka RRA ay heshey.

15/2/003 waxaa maanta aroornimadii lagu soo daad gureeyey 360
mudane iyadoo ay wali qaar kale meesha goobta eldoreet ay ku hadhsan yihiin
,basas si ugu horeyn loo sii dajiyo magaalada nairobi hotelo ka mida ilaa malainta
isninita ah si loogu gud biyo goobta ka baxsan nairobi ee loo qoondeeyey in
shirku dib uga sii furmo isla bishan gudaheeda .

waxaana uu shaaca ka qaadey madaxa shirka dib u heshiisiinta
gobolad akoonfureed ee somalia mrkila gat in mudadii uu shirku socdey ay ku
baxdey lacag dhan 4millyan oo $ oo doolarka mareykanka ah , lacantan oo la sii
bixin doono kala badh .

DHIBAATADA DHEXTAAL
QEYBSIGA 360 KURSI OO JAHA WAREER KU RIDEY QABQAB LAYAASHAKU SUGAN ELDORET.

15/2/003 Edoret.. waxaa ila hada uu jahawareer iyo buuq ka
haystaa sidii loo qeybsan lahaa ama loogu heshiin lahaa cida uga qeyb galeysa
360 oo ah wareegii sadexaad ee shirka iyadoo uu loolan ka dhex jiro sii bal
shaqsi kasta oo jooga eldoret uga mid noqon lahaa 360 mudane ee loo qoondeeyey
wajigaa sadexaad.

Loolankan ka mid noqoshada ayaa ah arinta ay haatan xiisaha
ugu badani ka jiro iyadoo ay gacanta iyo magacyada ka mid noqoshada ay soo xuleen
gudiga far samada shirku, hadha waxaan la kumey Xildhibaan,ugaas faaraxcabdi
, isagoo soo gaadhey magaalada nairobi waxaanu ii sheegey ugaas faarax in uu
ku sugnaa magaalada eldoret tan iyo intuu bilaabmey shirku eldoret ka bacdi
markii la qoondeeyey in 360 mudane loo qeybsado hab qabiiliya, inuu dib ugu
noqdey beeshuu ka soo jeedey oo ahayd Hawiye…abgaal kalan soo tashadey bal
siidii uu reerka maga ugu matali lahaa in loo caleemos aaro ugaasnimo waaaney
ii soo caleemo saareen ayuu yidhi haatana waxaan u imi imagaalada nairobi in
aan ibsado telefanka ganta lagu qaato si aan u yeehso meel leygaya soo xidhiidhi
sida saxaafada iyo bbcda, Su ‘aashii akle en weydiiyey Ugaas faarax waxa ay
ahayd waxaa jira rag kale oo ku sugan eldoret oo beeshiina ka soo jeeda miyanaey
ahayn markaa in kursigii ugaasnimo ee laguu soo caleemo saarey uu muran kaagalo,Ugaas
faarax waxa uu iigu jawaabey walaahi horta anigu ninkan aad sheegeyso ee ku
sugan eldoret waxaankaga duwanahay waa telefanka gacanta een sito ooxitaa aan
kula xidhiidhey madaxa gudiga farsamada markaa nimankaa iyo ninkaasba waa rag
hadal la soo taangan.

Markaad dib u jalecdo waxaa ninkastaa farta ku hayaa hadiiba
lagaa reebo 360 mudane maaxaad yeeli ama aad meesha kala tageysaa , iyo arimo
dhowr ah iyo fakar fara badan ooku soo kordhey qorshahoodii ahaa in ay ka fushadaan
shirka eldoret.

reporter :ismail sheik abubaker

[email protected]

nairobi

kenay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *